Waxaan hubaa markaad ciwaanka maqaalka aragtayba inaad la yaab tay oo aad Su'aalo badan isa Su'aashay intaadan akhriyin fariinta ku jirta maqaalka, hadii aad sidaa samaysay Waad fiican tahay oo sidaan rabay weeye, HAA ha isu qurxin ninkaaga hadii ay ku gaadhsiinayso is qurxintaasi, inaad jidhkaagii kiimiko ku gubto ama aad midabkaagii dabiiciga ahaa aad badasho adoo xujo ka dhiganaya, Nimanka Soomaaliyeed waxay jecel yihiin dumarka cad cad, adigoo raacaya hadalada aan qiimaha laheyn ee kasoo fula kuwo badan oo dumarka kamida, iyagoo ku andacoonaya habeen iyo doqonbaa madoobe _Naa maxaa qeyrkaa kaa reebaya, Naa ma maqashay Kareemka cusub ee soo baxay wiig gudihiiba wuxuu kaa soo saarayaa muraayad la isku daawado.
Wiig kadib, Waxay soo baxday gabadhii iyadoo wajigeeda aad moodo in diirkii laga soo siibay, Gacmaheeda iyo jidhkeeda inta kale markaad aragtana waa midabkeedii dabiiciga ahaa, Waxay u ekaatay wax aan la garan karin oo qofkasta oo damiir lihi uu ka xumaanayo, Hadaba quruxda uu rabay ninkaagu ma sidanaa, Isu jawaab adigu.
Ha isu qurxin Ninkaaga 3dexda bilood ee aad isku cusub tihiin hadii is qurxintaadu ay tahay mid ka badbadisa oo 24 saacadoodba aad ku mashquulsan tahay kaliya sidii aad isu qurxin lahayd, Dadkii kula soo taliyey waxay kaasoo dhaadhiciyeen markasta adoo dhalaalaya oo udgoon kaasoo Carfaayo waa inuu ku arkaa, Maalintii waa inaad dhawr labis oo kala wada daran aad xidhataa, Gacmahaaga oo aan xinaysnayn yuuna ku arkin, Cuntaba cuntada ay ka macaan tahay waa inaad kasoo tuurtaa, Guriguna waa inuu giijisnaadaa markasta, OK OK OK hadii aad raacday Waanadaas waa su'aale goormaad wakhti isu heshaa adigu goormaad si raaxo le aad u cibaadaysataa.
Goormuu ninkaagu ku arkaa adigoo qof caadi ah, Ninkaaga u ogolow inuu kugu arko adoo labisan, adoo soo toosay oo wajigaaga laga cararaayo, adoo dhididsan oo aan diyaar ahayn si uu kuula qabsado ninku, Marka aad tustay 3bilood adoo markasta giijisan saw ma ogid bari markaad daasho inuu markasta kaa sugayo sidii uu kaaga bartay, Taasina waa dhibatada kala haysata maanta qoysas badan oo soomaaliyeed, Sababta keentayna waa gabadhii oo wixii ay awood haysay oo dhan saartay bilaha hore ee guurka, Markay kadaashayna oo wixii looga bartay ay awoodi waydayna noqotay haweenay aan iska shaqayn oo aan danba ka lahayn markuu ninkeedu ag joogo, Iyadoo aan ihtimaamba siinayn isagii, Waa ninkii ay shalay 24ka saacadood isu qurxinaysay, Waxaasoo dhana maxaa keenay way daashay oo waxay ku daashay inay ka badbadisay wixii laga badbadiyaana wuxuu ku danbeeyaa in hadhow laga caajiso.
Ha isu qurxin ninkaaga hadii isqurxintu ay kaa tahay isaga isu qurxi oo ayna naftaadu ku raaxaysanayn inaad qurux badnaato.
Dumar badan waxaa caado u noqotay in marka ninkeedu ka agdhow yahay kaliya ay iska shaqayso, Markuu soo dhaw yahay ayey ku dhaqaaqayaan inay is nadiifiyaan sababtoo ah quruxdiiba waxay mooday in isaga la isu qurxiyo kaliya, Iyadoo ilowsan hadii ay nafteeda barto in markasta oo ay is qurxinayso inay isu qurxiso nafteeda in ayna waligeed ka daalayn is qurxinta, Qofku markuu isagu naftiisa isu qurxiyo oo uu ku raaxaysanayo quruxdaa, Waxaa hubaala inuuna marna ka daalayn oo ay u noqonayso wuxuu joogto u sameeyo, Markase ay isu qurxinayso qof kale raali gali, Bas waxaa hubaala inay markasta oo uu soo dhaw yahayba ay sii karaahiyeysan doonto.
Hadaba gabadhii soomaaliyeedeey is bar inaad naftaada isu qurxiso intaadan isaga isu qurxin, si ay kuugu noqoto shay caado kuu ah ninkaaguna uuna isa su'aalin maxay quruxdii ku nacday gabadhii saan ogaa ahayd.
Hadalkayga waxaan kusoo xidhayaa isu qurxi ninkaaga markasta oo is nidaami, si reerkaagu kuugu badbaado, Markasta oo aad is qurxinaysana ogow inaad xaq u leedahay adna in la isu kaa qurxiyo Sidaa darteed dalbo adna si aad u dareento in adigana la isu kaasoo qurxiyey, Taasi waxay kuu keenaysaa inaadan ka caajisin mustaqbalka, is barna inaad marka hore iyo marka danbeba aad adigu naftaada isu qurxiso si ay kaaga caawiso hadhow inaadan ka gaabin.
Ugu danbeyntii waligaa haka badbadin oo u ogolow in lagugu arko dabeecadaada caadiga ah, adoon iloobayn inaadan iyadana ka badbadin oo aadan odhan, Maxaan kii isagu qurxin, Kadibna adoo basal iyo caanihii caruurtu kaasoo urayaan aadan soo garab jiifsan.