Bismmilah..
Hinaasuhu ama maseyrku waa sifo iyo dabeecad ka mida dabeecadaha ilaahay ku abuuray bini aadamka.
Allah subxaanahu watacalaa wuu qiiroodaa wuxuu ka qiiroodaa marka wuxuu xarimay la dhex dabaasho.
Muminkuna sidoo kale wuu qiiroodaa, Waxaase jira in dadka qaar hinaasahoodu yahay mid macquula qaar kalena yahay ka Bad-badis iyo mid xadkiisii la dhaafiyay, Waxaa dhacda marar badan in hinaasuhu kala geeyo ama sabab u noqdo inay kala tagaan lamaane is jecel , Wwaxaa lagu macneeyaa maseyrku inuu yahay dareen xanuun badan kaasoo ka dhasha qofka oo doonaya inuu hantiyo qofkaan uu jecel yahay cid kalena la waadagin, Inkastoo aan mar walba la oran karin wuxuu daliil u yahay jacayl, Sidaan soo sheegnayba maseyrku marar badan wuxuu dumiyaa guryaha jacaylkii labada lamaanana u badalaa naceyb iyo kala shaki iyo kalsooni daro, xaasidnimo jahwareer joogto ah ugu danbeyntana furiin .
Waxaa aragnaa badanaa in hinaasaha aan booskiisa la dhigin isku badalo Shaki iyo is Aaminid La,aan ka dhex dhalata labada is qaba, Shakigaa markuu dhasho waxaa yaraada jacaylkii ka dhexeeyay labada is qaba, lamaanayaasha qaarkood jacaylkooda waxay ku muujiyaan hinaasaha iyagoo ku macneeya inan ku jeclahay waxaa cadeynaya sidaan kaaga hinaaso! Hadaanan ku jeclayn kaama hinaaseen.
Su,aalaha la is waydiin karo ayaa ah.. Hinaasuhu ma Jacayl ayuu ka tarjumaa mise shaki iyo kalsooni daro ayuu ka dhashaa?? Inta aynaan ka jawaabin su,aashaa waxaa kaloo is waydiin mudan.. Maxaa dadka qaar uu ugu badan yahay hinaasuhu dadka qaarna u yihin dhexdhexaad??
Way dhacdaa inuu ka dhasho jacaylka xad dhaafka ah hinaasuhu wayna dhacdaa inuusan ka dhalan jacayl ee uu ka dhasho kala shaki.
Waxan ognahay marka wax walba xadkiisa la dhaafiyo inuu isu rogo dhib iyo wixii laga doonaayay waxan ahayn, Waa wax wanaagsan in qofka na jecel noo muujiyo jacaylkiisa haba adeegsado inuu maseyree laakin wanaagaas wuxuu isku badalaa xumaan markaan adeegsan wayno caqliga falal aan fiicnayna ku dhaqaaqno .
Sida inagoo shaqo ka dhigana qofka ficilkiisa Yuu la hadlay? Yay salaantay , Maxaa idinka dhexeeya adiga iyo hebel ? Heblaayo maxa u fiirisay? Muxuu ku sheegayay hebel. Heblaayo maxaa intaasoo saacadood ula hadlaysay? dadka qaar waxayba ka gaartaa in dhinacii khayrka xitaa uu ka soo galo oo uu yiraahdo maxa idinka dhexeeya qofkaa oo aad u kaalmeeysay!? Sidaasna noloshii ku noqoto mid ah sidii inaan xabsi ku jirno baaritaan iyo dabagal aan dhamaanayn waligiisna socdo, degenaantii guriguna isku badasho is ilaalin Yaan lagaa maqal Yaan lagugu ag arag, Nolol ciriiri ah la soo daristo reerkii raaxadii naftuna ka maqantahay.
Maseyrkuna maaha wax haweenka ku kooban laakin marka la is barbar dhigo iyaga iyo ragga waxan oran karnaa iyagaa kaalinta koowaad sita, Taasna wax lagula yaabo maaha oo kuwii ugu khayrka badnaa dumar ayaa hinaasi jiray, Ma xuma inaad maseyrto waana dabeecad ilaahay kugu abuuray laakin dhibku wuxuu ka taagan yahay inaa magacaan wax walba u kharibto adoo leh hinaasaaa i hayee waxba yaan la iga qorin ! inta aadan wax fala sameyn is waydii waxaan ka maseyray wax jira ma yihiin horta mise waxaygu waa darbiyo ka maseyr iyo heblaayaa waxaas ii sheegtay anoo hubsan waxba aan budka la boodo !
Saxaabiyaatkii naga khayrka badnaa ayaa maseyri jiray #Rasulu_Allaah salalahu calayhi wasalim oo dhex jooga mana inkiri jirin mana oran maxaad la hinaaseysaan? Laakin waxa maanta dumar badan sameeyaan lagama soo warin, Iska ilaali walal inaad waan maseyrey dartii wax walba u sameyso haweenka qaar wuxuu ku xanbaarey inay naf gooyaan, inay guryahooda ku dumiyaan gacmahooda hadhowna ka shalaayaan ficilkaa aan laga fiirsan, waa inay diintu na celisaa wax walboo nagu soo dhaca xaaladaa aan leenahay waan masernay aanan ku dhaqaaqin, Waa inan nafteena ka adkaanaa lana jihaadnaa jihaadka nafta lala galo waa jihaad kan u wanaagsan ee nafteena mala jihaadnaa? Mana hogaaminaa inteey iyadu ina hogaamin lahayd, Nafta waa sida ilmaha yare e naaska nuuga hadaan laga goyn waligiis wuu iska nuugi lahaa ee qasab baa looga jaray markuu gaaray da,dii in laga gooyo ay ahayd.. Naftuna waa sidaa oo kale .
Ninyahow hadii xaaskaagu kugu hinaasto ha iska indho tirin hana oran maxaa haya oo ay isla waaleysaa waxadna ogaataa inay tahay wax ilaahay ku abuuray si qasdi la,aana uga soo baxaya waxa lagaga baahan yahay inaad xaalada dejiso mana aha markeey ku tiraahdo i fur, Inaa isla markaaba tiraahdoo haye la bood warqadaada soomaaha waxa laga celin la,yahay!! Waxa gacantaada loo geliyay furaha dalaaqa waa xikmad weyn iyo inaa dulqaad u leedahay xaaladaha adag, Waxaana wanaagsan mar walba in lamaanuhu isu sheegaan xitaa hadeey kala maseyrsan yihiin midba kan kale ku yiraahdo ma jecli waxaad sameysay waan ka carooday iwm, Laakin marka midba geeskiisa uu qorshe degsado sida waxyeeleyn, furiin, ama dil mararka qaar dhaca hinaasauhu waa 2 nooc ah mid wanaagsan iyo mid aan wanaagsanayn, kan wanaagsan Ilaahay iyo Rasuulkiisuba SCW waa jecel yihin, Kan xuna waa shakiga iyo kalsooni darada iyo malaha xun wuxuu ka yimaado, Hadaan la isku dulqaadan dhibka yimaadana la isla xalin waxaa imaanaya wuxuu ibliis ugu jecel yahay ee uu Taajka ku siiyo Shaydaanka soo kala fura lamaane gurina soo dumiya, Waxan ku soo koobayaa gabaryahay ha usoo jeedin ninkaagu wuxuusan u soo jeedin hinaasahaaga dartii, adna ka dheeroow walaloow wax walboo shaki ku keeni kara jacaylka adiga iyo xaaskaagana dhaawici kara gurigiinana inuu dumo sababi kara.
Waxaan u rajayn lamaane walba Jacayl kalsooni buuxda oo dhexdooda ka dhalata iyo in midba kan kale malo wanaagsan ka maleeyo, iyo Hinaase dhexdhexaad ah.