Ereyga uurku baale markaad maqasho maxaa maskaxdaada kusoo dhacaya?? ... Qof fikirka dadka akhriya... Qof inta aadan wax u sheeginba iska sii garanaya waxaad soo wado... Qof og uurka dadka waxa ku jira... saaxir iwm.
Kawaran hadii aad adigu ka dalbato qofka kula nooli inuu noqdo uurku baale! inuu akhristo waxa ku jira uurkaaga oo uu fahmo waxaad ku fikirayso.
Waa arin aad iyo aad uga dhex dhacda labada lamaane ee is qaba, in midba midka kale ku tuhmo inuu iska garto siduu wax u rabay ama u waday, Taas micnaheeda oo ah Uurku baale noqo oo iska kaygaro sidaan wax u waday.
Tusaale 1aad: Dumar badani waxay ku dacwoodaan xagga gogosha ninkaygu dareenkayga ma qadariyo oo siduu isaga rabo ayuu wax u wadaa, isagoo moodaya inaan la dareemayo wuxuu dareemayo.
Dabcan inaad wax la dareemayso wuu moodayaa waayo adaa ku kalifay inuu noqdo Uurku baale oo uu iska qiyaaso sidaad wax u rabto, hadii aadan hadlin oo aadan sheegan waxaad rabto isla markaana aad sugayso inuu iska fahmo sidaad wax u rabto, waa sidii adoo intaad gacmaha laabatay dhabarkana sii jeediyey aad tidhi iska fahan waxaan rabo, hadhoow markuu garan waayeyna waa maxkamad iyo maxaad ii fahmi wayday, ama aamusnaan u dhiganta adiga kaliyaa isku fikira.
Tusaale 2aad: Niman badan sida ay u joogaan waxaa dhacda inuu aamuso oo uu reerkii ka xidh xidhmo isagoon u sheegin ciladu waxay tahay, isla markaana doonaya inay xaaskiisu iska fahanto waxa haya, Dhawr jeer markay u sheegto inuuna caadi ahayn oo ay wax iska badaleena wuxuu la soo boodaa ima fahan sanid oo waxba kama ogid xaaladaan ku jiro.
Dabcan waxba kaama oga xaalada aad ku jirto waayo maadan u sheegin waxaad tabayso, Dadka banii aadamka ahina maaha kuwo akhriya waxa ku jira Uurka dadka. Dumarka badankooduna markiiba waxay ku fikiraan tolow muxuu soo wadaa oo uu la aamusan yahay, Waxay u dhigantaa adoo ku xukumay inay noqoto Uurku baale ilaa ay dumarka qaar gaadhaan inay u tagaan saaxir iyo kuwa wax faaliya sidii ay kuu fahmi lahayd.
Tusaalayaashu way badan yihiin oo qofkastaa ama wuu soo maray ama wuxuu la kulmay qof soo maray xaaladan ah iska kaygaro iska kay fahan oo Uurku baale noqo.
Qoys ku dhisan qaabkan ah in aan la wada hadlin waxay keentaa mashaakil joogto ah oo qofba qofka kale ku tuhmo sidaan rabay wax uuma wado sidaan rabay maaha sidani.
Hadii aan la wada hadalayn oo qofkastaa uu sugayo inuu qofka kale iska qiyaaso wuxuu rabo ma u malaynaysaa in reerkaasi uu jiri doono mudo, Aniga ahaan ilama aha.
Waxaa buuxa hadalo ay dadka qaar iska dhaadhiciyeen oo ah labada qof ee is jeceli inay isa su’aalaanba maaha wuxuu midka kale rabo, sababtoo ah wuu iska garanayaa wuxuu ka kale rabo.
Hadii ay taasi run tahay maxaa keenay muranka joogtada ah ee ka jira guryo badan oo Soomaaliyeed, Maxaa keenaya oo inagu kalifaya inaan ka dalabno qofka inala nool ee maalinkasta inaga soo ag toosaya inuu noqdo Uurku baale iska qiyaasa sidaan wax u rabno, bari markuu qiyaasayna maxaa loo tuhmayaa ee loogu eedaynayaa inuu noqday Uurku baale.
Waxaas ayaan rabaa oo qaabkaas ayaan u rabaa saw kama fududa oo kama sahlana, iska kayfahan oo iska qiyaas waxaan rabo hadii aad garan waydayna waa muran iyo madax xanuun aan loo jeedin. Uurku baale waa qaabka ay ku nool yihiin in badan oo qoysaskeena ahi.