
Arooska markuu Maalinta Saddexaad maraayo, Gabartii waxey aragtay in uu Ninkeeda Akhrinin Qur’aanka, xitaa in uu Soomin iyo in uu Habeenkii Saqda dhexe soo kacin si uu ilaah ugu Cibaadeysto. kadib waxay is tiri: Bal sug Hal
Usbuuc ka dib haddii uu is Bedelaayo. Lakin wax is bedelitaan ka muuuqdo ma eysan arkin, markaas ayay Xanaaqday, ka dibna Dalbatay in uu Furo.
Labadii is qabay, baa imaamki isku daray u yimadeen, Markaas buu imaamkii weydiiyay Ninkii: Maxey ahayeen Shuruuda Arooska?
Ninkii baa ku jawabay:- Waxey ahayeen in aan Qur’aanka Akhriyo maalin kasta, inaan Soomo Sannadki oo dhan, iyo inaan Habeen iyo Maalin ilaah Caabudo , (Xasuusnaado).
Markaas buu Imaamkii ku yiri: – Ma Fulisay intaasi Shuruud?. Ka dib baa Ninkii isagoo Daggan ku yiri: Haaaah.
Imaamki baa yiri: Been, Naagtaadi waxey igu tiri ma aadan Sameynin, sidaas awgeed ayey Furitaanka u Dalbatay.
Ka dib ayuu imaamki ku Xaqiijiyay:- Qur’aanka ma Aqrisay maalin kasto?
Wuxuu ku jawaabay:- Haaah.
Markaas buu imamkii yiri:- Sidee baad ku Aqrisay?
Markaas buu Ninkii yiri:- Waxaan Aqriyaa Surad Al-Ikhlaas Saddex mar maalin kasto, wuxuuna u raaciyey Nabigeena CSW, ayaa yiri: Aqrinta Surad Al-Ikhlaas Saddex mar, waxey la mid tahay Adigoo Qur’aanka dhan Aqrisay. imaamki Indhaha ayuu taagay, ka dib ayuu yiri:- Haye Sidee baad ku Soontay Sanadka oo dhan?.
Ninkii baa ugu jawaabtay:- Waxaan Soomay Ramadaanka oo dhan, ka dib Lixda Beri ku xigto ayaan ku daray ee Bisha Shawwal ee Waddaca, wuxuuna u raaciyey Nabiga CSW wuxuu yiri:- Qofkii Ramadaan Dhameysto oo Lixda Shawwal ku daro yacnii Waddaca, wuxuu la mid yahay isagoo Sanadkii oo dhan Soomay.
Imaamkii wax uu ugu jawaabo ayuu waayay, ileen wax Khalad ma uusan sheegin, ka dib buu ku haddana weydiiyey:-
Sidee baad Habeenkii dhan ugu soo jeeday oo ilaah u Xasuusaneysay, ileen waad Huruday ayey igu tiri Xaaskaaga?
Imaamkii wuxuu is dhahay: Tan kama jawaabi karo, laakin Ninkii si deggan ayuu hadana ugu jawaabay, wuxuuna ku yiri:- Waxaan Jamaaco ku Tukaday Salaatul-Cisha, ka dib maalinta kale waxaan Jamaaco Tukaday Salatul Fajr. wuxuuna u raaciyey: Nabiga CSW wuxuu yiri: Qofkii Salaada Cishaha iyo Fajarka Jamaaco ku Tukada, waxey la mid tahay isagoo Habeenkii oo dhan soo jeeday oo Ilaaah Caabuday.
Markaas buu imaamkii Ninkii Fiiriyay isagoo yaaban, kuna dhahay Naagtiii iyo Ninkii Baxa,
Allah ha isku kiin Barakeeyee Baxaa, Arooskaan wax ka Qaldan ma jiraan.
(ilaahoow Diintaada kuwii Xafida naga yeel).
W/Q:- Macoow Ustaad.