
Sheekada NABAR IYO NAXDIN JACEYL waa sheeko xiiso leh kana hadleysa qiso dhab ah oo ka dhacday dalkeena hooyo, waa sheeko intoo akhrisaa ay wax badan yaab ah arki doonto, waana sheeko jaceyl oo shabakada dhacdocusub.com ugu tala gashay talaado walba in ay usoo baahiso bahda ku tixan, sheekadiina sidaan ayeey inoogu bilaabatay.
Aroor hore magaalada Muqdisho waxaa ka socda qaboow iyo jawi aad iyo aad u macaan, qof walbaana waxa uu saaran yahay sariirtii oo dhaxan ayaa dadka oo idil wada haysa, waxaana jawiga magaalada uu yahay mid aad u wanaagsan, waxaana sanadka uu ahaa 2007-dii Yaxye waa wiil dhalin yaro ah, da’ahaa waxa uu jraa 22-sano ah, waxaana uu ka shaqeeyaa goob ganacsi ah oo aabihiis uu u abuuray, waana nin aqoontiisa aysan yareen.
Xaafadda waxaa u yaala taleefan Leen ah, waxaana xilligaasi aad u kacsanaa ku haasaawaha Taleefanka, laakiin Yaxye ma aanu aamin saneen arinkaasi.
Subaxdaasi isaga oo sariirtiisa iska saaran ayaa waxaa soo dhacay taleefankii oo agtiisa yaalay, wuuna qabtay, waxaana uu la yaabanaa xilligaasi qofka soo wacaayo.
Waxay ahayd gabar cod macaan leh, xishmad iyo karaameen ay ka muuqato waxa taleefankaasi soo wacaaya, waxaana ay ahayd gabar xishoodkeeda aan lasoo koobi kareen, laakiin taleefanka si qalad ah ayeey usoo garaacday, sheekadaan ayaan dhex martay.
YAXYE “Heloow Asc” GABADHII ” WCS Subax wanaagsan walaal macaan” YAXYE” Mid la mid ah waa tuma walaal yaase rabtay” GABADHII ” Walaal waxaan rabay Nafiso” YAXYE “KKKKK Sheekadii nasiibka maad ii keentay, intaad lambar been ah soo wacdo miyaa waxaad ku hadleysaa”
GABADHII “Maya walaalo qalad ha ii arag aniga waxaan ahay oo kaliya gabar si daacad ah taleefanka usoo wacday gabadhaan ayaan rabay hadii aad si kale u aragtayna nabadeeyu” Taleefankii ayeey is saartay laakiin Yaxye codkii macaanaa ee gabdhaas ayaa qalbigiisa ku saaqay, aad ayuuna codkaasi uga helay, lambarkii soo wacay ayuu ku celiyay isaga oo doonaaya inuu raa.