
muujiyaan Mario Balotelli marka ay finalka Euro 2012 kula kulmayaan xulka
Italy.
Weeraryahanka Manchester City ayaa meeshiisii ugu sareysay gaaray habeenkii khamiista
markaasoo Azzurri ay 2-1 ku dardartay xulka Jarmalka, Balotelli ayaana dhaliyay
labada gool ee guusha u sahashay xulka Talyaaniga.
Fabregas ayaase sheegay in weeraryahankaasi oo isha ku haaya kabaha dahabka in loo
baahnaan doono in il gaar ah loo yeesho hadii ay Spain dooneyso inay difaacdaan
koobka qaramada yurub.
“Balotelli waa ciyaaryahan weyn” ayuu yiri ciyaaryahanka khadka dhexe ee Barcelona.
“Waxa uu taasi soo bandhigay shalayto [khamiistii] isagoo dhaliyay labo gool oo cajiib
ah, oo uu ka dhaliyay semi-finalka xul aad u xoog badan sida Jarmalka”.
“Waxa uu noqon doonaa halis, sida Cassano iyo weeraryahanada kale”..