
ugu fiican qaramada yurub, ka dib markii ay si la yaqaano ugu soo baxeen finalka
Euro 2012.
Ciyaarta finalka ayaa la filayaa inay ka soo bixi doonto ciyaar
ilqabad leh, madaama labada xulba ay soo bandhigeen ciyaaro weerar iyo
kubadheysasho ku dhisan intii ay ciyaarayeen Euro 2012.
Spain miyaa qaadi doonta koobkaan markii seddexaad ee taariikhdeeda, mise 44 sanno ka dib xulka Azzurri ayaa markii labaad kuguuleysan doona koobka qaramada yurub?
MAXAA CUSUB?
Tababaraha xulka Spain Vicente del Bosque ayaa la filayaa inuu heysan doono koox taam ah oo uu kaga hortago finalka Euro 2012 xulka Talyaaniga.
61 irkaan ayaa sheegay inuu ku soo shirtagi doono seddex weeraryahan, inkastoo uusan carabaabin seddexda weeraryahan magacyadooda,
Fernando Torres ayaa la filayaa inuu ku soo bilaaban doono kulankaan.
Daafaca Italy Ignazio Abate, oo seegay semi-finalkii kulankii
Germany dhaawac muruqa aawadeed ayaa laga yaabaa inuu taam noqdo ka hor
kulankaan, halka saaxiibkiisa Christian Maggio uu isna diyaar yahay ka dib markii uu ganaax ku maqnaa hal kulan.
Tababare Cesare Prandelli ayaa sheegay inuusan Spain kaga horimaan dooni maanta qaab ciyaareedkii hore 3-5-2, waxaana ay u badan tahay inuu la soo shirtagi doono sidii uu ku soo galay kulankii
Jarmalka.
Ciyaaryahanka ay la soo wareegtay AC Milan Riccardo Montolivo ayay u badan inuu booskiisa ka xajisan doono Thiago Motta ka dib markii uu qaab ciyaareed wanaagsan soo bandhigay kulankii semi-finalka.
LINE-UPKA MACQUULKA AH:
SPAIN (4-3-3):� Casillas;� Arbeloa, Pique, Ramos, Alba;� Xavi, Busquets, Alonso;� Silva, Fabregas, Iniesta
ITALY(4-3-1-2):� Buffon;� Abate, Barzagli, Chiellini,
Balzaretti ;� Marchisio, Pirlo, De Rossi;� Montolivo; Balotelli,
Cassano
MA OGTAHAY?
Spain ayaa qarka u saaran inay noqoto xulkii ugu horeeyay taariikhda ee ku guuleysta seddex
koob oo waa weyn oo isku xiga (Euro 2008, World Cup 2010 iyo Euro 2012)
iyo xulkii ugu horeeyay ee difaacda koobka qaramada Yurub ee loo yaqaano
Henri Delaunay trophy.
La Roja ayaa tartameysa finalkoodii afaraad ee koobka qaramada Yurub (1964, 1984, 2008
iyo 2012). Waxaa hore looga soo badiyay kaliya
1984.
Xulka Vicente del Bosque ayaa tartan rasmi ah aan
dhinacooda dhulka la dhigin 19 kulan, waxaana ay badiyeen sagaalkoodii kulan ee
ugu danbeysay ee knockout ah ee koob
weyn.
Si kastaba, xulka Spain ayaan guul ka gaarin
tartan rasmi ah xulka Italy muddo ku dhow qarni, iyadoo rigooradii ay kaga
badiyeen wareega 8da ee Euro 2008 loo xisaabinayo barbaro ahaan. 11 kulan oo ay
ku kulmeen tartan rasmi ah Spain waxa ay badisay hal jeer waana 1920kii
ciyaaraha Olimbikada, halka Italy ay badisay shan jeer, halka barbaro ay ku kala
baxeen 5 jeer.
Italy ayaa tartameya finalkii seddexaad ee koobka qaramada yurub (1968, 2000, 2012).
Waxaana ay ku guuleysteen (1968).
Guud ahaan Azzurri iyo Spain waxa ay kulmeen 30
kulan, 10 jeer waxaa badisay Italy, sideed jeer waxaa badisay Spain 12 jeerna
waxa ay galeen barbaro. Kulankoodii ugu danbeeyay waxa uu ahaa furitaanka
wareega Group-yada oo ay ku kala baxeen barbaro 1-1
ah.
Italy ayaa badisay kaliya labo jeer sideedii kulan ee ugu danbeysay ee ciyaar ku dhamaatay 90 daqiiqo, lakiin weli dhinacooda
dhulka looma dhigin tartan rasmi ah intii uu macalin u ahaa Cesare
Prandelli.
Labadiisii gool ee uu ka dhaliyay Jarmalka, Mario
Balotelli ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay ee Talyaani ah ee hal koobka
oo qaramada yurub ah ka dhaliya seddex
gool.