
xulka England Gary Cahill ayaa laga saaray xulka sedaxda libaax ee ka qeyb
gelaaya Euro 2012,ka dib jab kasoo gaaray daanka.
26
jirkaan iyo ninka ay isku kooxda yihiin ee John Terry ayaa dhaawcyo soo gaareen
intii lagu guda jiray ciyaar ay England 1-0 guul kaga gaareen Belgium
Sabtidii.
Balse
goor dambe ayaa la xaqiijiyey ka dib markii uu tijaabo maray Terry inuusan dhib
buuran ka qabin bowdadiisa.
Ciayaaryahanka
Liverpool uga ciyaara difaaca dambe Martin Kelly ayaa loo yeeray si uu bedel ugu
noqdo Gary Cahill oo ah ciyaaryahankii afaraad ee dhaawac uga baxa xulka England
ka hor inta aysan u ambabixin Poland iyo Ukraine.
Waxaa
hore dhaawac uga baxay xulka England goolhaye Ruddy, Gareth Barry, Frank Lampard
iyo Gary Cahill oo haatan laga saaray.
War
bixin ay soo saartay FA-ga Ingiriiska ayaa lagu yiri:
“Gary
Cahill kama mid noqon doona ciyaaryahanada England u mataleysa Euro 2012 ka dib
dhaawac kasoo gaaray Daanka [Dhabanka] intii lagu guda jiray ciyaartii Belgium.
ka dib markii Ciyaaryahanka Chelsea uu ka jabay mid ka mid ah dhabanadiisa .Si
kastaba kooxda caafimaadka ee England ayaa soo gabagabeeyey baaristoodii Cahill
isagoo laga saaray Xulka.
“Difaaca
Liverpool Martin Kelly ayaa loo yeeri doonaa,ka dib markii ay aqbaleen Kooxda
daqaatiirta ah ee Uefa, Kelly ayaa tababarka la qaatay ciyaartoyda England
isbuucii lasoo dhaafay wuxuuna qeyb ka ahaa ciyaaryahanadii u safray Norway.
“John
Terry ayaa sidoo kale Tijaabo la marsiiyey subaxnimadii waxaana wax walba kala
cadaan doonaan,inuuu sii joogayo iyo inkale marka Talaadada ay daqaatiirtu
kulmaan.
Liverpool
ayaa haatan ah kooxda ugu badan ee ciyaartoydeyda ay matalayaan xulka England
waxaa xulka ugu jira kabtan Gerrard, Carroll, Downing, Henderson, Glen Johnson
iyo Martin Kelly.