
Van Persie inuu sarre u qaadi doono fursada City ay u heysato inay ku guuleysato
Champions League hadii uu doorto inuu u dhaqaaqo Etihad Stadium.
City ayaa lala xiriirinayay ciyaaryahanka reer Holland xitaa ka hor inta uusan
arbacadii ku dhawaaqin inuusan heshiiska u kordhin doonin kooxda Gunners oo
qandaraaskiisa ay uga harsan tahay hal sanno.
Isagoo kula soo ciyaaray Arsenal, Toure ayaa ka warqaba waxa uu qaban karo Van Persie,
waxaana uu sheegay inuu ku soo dhaweyn doono City.
”Robin waa ciyaaryahan sare. Waan isla soo ciyaarnay, waana garanaya, waa nin weyn”
ayuu daafaca dhexe u sheegay Manchester Evening News.
”City waxaan ku heysanaa ciyaaryahano waa weyn, waana koox waxay doonta ka sameysa
suuqa kala iibsiga”.
‘Aniga ahaan, hadii Robin uu yimaado waa wax weyn sababtoo ah waxaan aqanaa waxa uu
qaban karo”.
“Sannad kasta waa inaad dhistaa kooxdaada si ay shaqo fiican u soo qabtaan, in lagu
guuleysto Champions League waa adag tahay sida aan soo aragnay”.