
qeybgeli doonin ciyaaraha London kadib markii uu ka soo kaban waayay waqtigii
loogu talogalay dhaawac soo gaaray.
Thiago ayaa waxa uu ka mid ahaa ciyaaryahanadii U-21 ee ku guuleystey horyaalka
Yurub sanadkii 2011kii isagoo dhaliyey goolkii ciyaarta finalaha ahayd ee ay la
ciyaareen xulka Switzerland waxana uu xubin muhiim ah ka ahaa xulka uu
tababaraha u yahay Luis Milla.
“Baaritaano ayaa la sameeyey maanta kuwaasoo lagu qiimeynayay xaalada dhaawaca lafdheerta uu
ka qabo Thiago waxana la cadeeyey in uusan weli dhaawacaas ka bogsanests,”ayaa
lagu qoray bogga Twitterka ee Barca.
“Thiago ayaa ku sii jiri doonaa daawooyinka uu qaadanayo toddobaadyada soo socda lamana
fasixi doono kahor ciyaaraha Olympic Games,”ayaa la sii raaciyey.
Spain ayaa waxaa ay ku jirtaa Group D tartanka Olympic Gameska iyadoo la ciyaari
doonta wadamada Japan,Honduras iyo Morocco waxaana ay bilaabi karaan inay dib u
soo celiyaan guushii ay billada dahabka kaga qaateen Japan sanadkii 1992dii.