
Tababaraha reer Scotland ayaa ka mid ah tababarayaasha ugu guulaha badan taariikhda kubada cagta, waxaana uu muddo 25 sanno ka badan uu leylinayaa kooxda Shayaadiinta Cas Cas.
Hadaba waxaan eegi doonaa waxyaabo kale oo aadan ku maqal weli ama aad ku maqashay tababare Sir Alex Ferguson anagoo soo xiganeyna majalada Four Four Two.
* Tababare Sir Alex Ferguson waxaa ceyrisay kooxda St Mirren, waana kooxda kaliya ee taariikhdiisa tababarenimo ceyrisay tababaraha Scotland, isagoo shaqada looga ceyriyay dabeecad qalafsanaan.
*Intii uu macalin u ahaa kooxda Shayaadiinta Cas Cas waxa uu Sir Alex Ferguson u qaaday 37 koob.
*Sir Alex Ferguson waxa uu gef u geystay intii uu tababare ahaa ilaa iyo 15 garsoore, waxaana la gef uu geystay garsoore lagu ganaaxay wadar ahaan 15 kulan iyo 75 kun ginni.
*Intii uu tababare ahaa Sir Alex Ferguson farqiga goolasha ee rikoorkiisa ku jira waa +1976.
*Inta jeer ee magaca buuxa ee Sir Alex Ferguson laga raadiyay shabakada baarista Google waa 2 milyan iyo 600 kun.
*Waxa uu seddex jeer jabiyay rikoor ciyaaryahanka ugu qaalisan suuqa kala iibsiga Britain. Andy Cole oo uu lacag rikoor aheyd waagaas oo 7 milyan ginni uu ku soo iibsaday. Juan Sebastian Veron oo uu ku soo iibsaday lacag rikoor aheyd waagaas oo ah 28 milyan ginni iyo Rio Ferdinand oo ahaa rikoorkiisii ugu danbeeyay ee ku jabiyo suuqa kala iibsiga Britian.