
Horyaalka Premier League ayaa ugu danbeyn soo laabtay, waxaana ciyaartoy cusub oo dhowr ah ay isku dayayaan durbaba inay ka dhex muuqdaan.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Swansea Michu iyo weeraryahanka Fulham Mladen Petric ayaa labadoodaba dhaliyay min labo gool, iyadoo kooxahooda ay 5-0 kaga badiyeen QPR iyo Norwich, halka Eden Hazard uu si aad ah uga dhex muuqday guushii 2-0 ee ay Chelsea ka gaartay Wigan.
Dhinaca kale Marouane Fellaini ayaa guul weyn ku hogaamiyay Everton kulankii ay xalayto la ciyaareen Manchester United, taasoo boos uga heshay ciyaaryahanka khadka dhexe kooxda todobaadka, iyadoo sidoo kale ay ku jiraan saaxiibkiisa Phil Jagielka iyo goolhayihii uu shabaqa ka soo taabtay David de Gea.
Branislav Ivanovic oo goolasha u furay Chelsea kulankii Wigan iyo John O’Shea oo ka caawiyay Sunderland inaan shabaqa laga soo taaban kulankii Arsenal ee Emirates ayaa dhameystiray seddex ciyaaryahan ee daafaca, waxaana ciyaaryahanka labada gool u dhaliyay Swansea ee Nathan Dyer uu khadka dhexe kula biiray saaxiibkiis Michu.
Inkastoo seddex gool ay ka dhaliyeen Liverpool, West Brom ciyaaryahan kuma lahan kooxda todobaadka, lakiin guushii Manchester City ay ka gaartay Southampton ayaa keentay in Samir Nasri iyo Carlos Tevez ay qeyb ka noqdaan kooxda todobaadka.