
Naymar oo 20 jir ah ayaa halyeygii reer Brazil Pele wuxuu inta badan la meel dhigaa ciyaaryahanka seddaxda mar oo isku xigta ku guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or ee Lional Messi.
Barcelona ayaana si xoogan loola xiriirinayaa inay Brazil ka soo dhaqaajin doonaan Neymar oo lagu sheego mid ka mid ah jiilka da’a yarta ah ee Aduunka ugu wanaagsan xiligaan. Iyadoo Aabaha dhalay Lional Messi uu sheegay in wax dhibaato ah aysan ka imaan karin hadii labada ciyaaryahan ay si wada jir ah u ciyaarayaan.
“Leo ayaa ii sheegay in Naymar uu yahay da’a yar wanaagsan,” Jorge Messi ayaa sidaasi u sheegay RAC1.
“Wey isla hadleen midba midka kale waxayna leeyihiin cilaaqaad wanaagsan. Jorge ayaa intasi raaciyey in Naymar uu yahay ciyaaryahan wanaagsan “Naymar sidoo kale waa cunug fiican.”
Messi ayaa Afar gool ka dhaliyey Selecao labadii kulan ee ugu dambeysay ee uu ka hor yimid oo ay ku jirto Sedaxleey uu ka dhaliyey guushii ay Argentina ka gaartay xulka Brazil sabtidii ciyaar ku dhamaatay natiijo 4-3 ah.
“Wuxuu u muuqday inuu u ciyaaray sida uu Barcelona ugu ciyaaro oo kale Laba ama Sedaxdi kulan ee ugu dambeysay ee xulka qarankiisa,”
“Wuu isku qarxiyey kulankii Brazil. Aad ayuuna ugu faraxsanaa howsha uu qabtay iyo natiijada.”
Jorge ayaa intaasi ka dib u weecday loolanka ka dhexeeya wiilkiisa iyo ciyaaryahanka Real Madrid Cristiano Ronaldo ee ku saabsan cida ku guuleysan doonta Abaalmarinta Ballon d’Or,
“Guuleystaha waxaa go’aaminta doona ciyaaryahano kale oo dhigiisa ah. Abaalmarinta lagu bixinayo caanimo, waxaana ku guuleysan doona Cristiano ama Leo”.