
Xiddiga rer Holland ayaa si aad ah loola xiriiriyay inuu xagaaga u wareegayo Turin, inkastoo Juve ay tartan adag kula jirto kooxo kale oo waa weyn.
“Wax micno ah ma sameyneyso inuu aado Barcelona, madaama ay heystaan Leo Messi” ayuu Bob van Persie u sheegay Elmundo Deportivo.
“Real Madrid waxa ay u noqon laheyd doorasho fiican, lakiin koox ahaan isaguma xirna Real, kaliya waa xiddigo magac leh oo hal meel wada jooga, sidaasi darteed halkaas kuma fiicna”.
“Marnaba kuma biiri doono Manchester City, madaama aysan suurtogal aheyn inuu u ciyaaro koox kale oo Premier League ah oo aan ka aheyn Arsenal”.
Waxaana hadalka aabaha Van Persie ay keeneysaa inay soo yaraadaan kooxaha iibsan kara RVP, islamarkaana ay u muuqato in Juventus ay ugu cadcadahay inay bog cusub u furto mustaqbal ciyaareedka Van Persie.
Xiddiga reer Holland ayaa haatan waxa uu la maqan yahay xulkiisa ciyaaraha Euro 2012, waxaana uu 29 jir noqon doonaa bisha August.
Waxa uu Arsenal la joogay tan iyo 2004tii, waxaana qandaraaskiisa haatan uu ku egyahay June 2013.