
khadka dhexe ee kooxda Arsenal Aaron Ramsey ayaa aaminsan in fursada ay kooxda u
heysato horyaalka Ingariiska xilli ciyaareedka soo socda inay ku xirnaan doonto
hadii ay ceshtaan Robin van Persie.
Ciyaaryahanka
ku guuleysatay gooldhalinta Premier League ayaa hal sanno ay uga harsan tahay
qandaraaskiisa Gunners, waxaana weli qabyo u ah wadahadal uu kula jiro Arsenal
kuwasoo u soo bandhigay heshiis cusub oo uu isbuucii ku qaadanayo 130 kun
ginni.
Qaar
ka mid ah kooxaha ugu waa weyn Yurub oo ay ku jiraan Manchester City, Juventus
iyo Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay xiiseynayaa xiddiga reer Holland.
Ramsey
aya u sheegay wargeyska The Sun on Sunday: “Waa inoo muhim inaan ceshano Robin
hadii aan dooneyno inaan noqono koox u tartameysa horyaalka”.
“Xilli
ciyaareedkan ayuu cadeeyay qiimaha uu kooxda ka leeyahay, iyo goolashii uu
dhaliyay. Waa muhim in ciyaartoyda sidaas oo kale ay ceshato kooxda”.
“Waxa
uu ahaa gooldhaliyaheena, waxa uu ku guuleystay gooldhalinta iyo laacibka
sannadka Premier League, sidaasi darteed koox kasta ayaa ceshan laheyd
Arsenal-na kama duwana”.