
Ciyaar ka dhacday Miami ayaa 1-0 waxaa ku badisey kooxda AC Milan oo culeys weyn uu soo foodsaaray kadib markii ay ka tageen ciyaaryahano badan oo muhiim u ahaa kooxda.
Labada kooxba waxa ay soo safeen ciyaaryahano waaweyn iyadoo Chelsea daafac xoog leh keentay halka ay qadka dhexe ku aamintay Eden Hazard, Raul Meireles iyo Frank Lampard.
Torres oo hore u ballanqaaday inuu buuxin doono booskii uu baneeyey Drogba ayaan wax gool ah u dhalin kooxdiisa isagoo kamid ahaa 11kii ciyaaryahan ee garoonka lagu bilaabay.
Hazard ayaa muujiyey karti weyn isagoo ay dhowaan kooxdu soo iibsatay waxa uu ahaa xiddig ka dhex muuqday garoonka neeftana ku celiyey AC Milan.
Qeybtii hore ma jirin fursado badan oo ay keeneen labada koox waxaana sigey gool la fishey John Terry. Hase ahaatee ciyaarta oo labaatan daqiiqo ka dhiman tahay waqtigeedii ayaa laacibka u dhashay dalka Netherland ee Urby Emanuelson waxa uu shabaq cusjiyey kubbad uu soo tufay goolhaye Petr Cech.
Kooxda AC Milan ayaa u ahayd kulankan kii ugu horeeyey ee tijaabo ah oo ay kooxda ciyaarto kahor xilli ciyaareedkan.