
Rossoneri ayaa kubada inteeda badan heysatay qeybtii hore lakiin waxba kuma aysan qabsan iyadoo kooxda martida aheyd ay kalsooni uun ka sii qaadeysay intii ay ciyaarta socotay.
Sidaasi darteed la yaab kuma aysan imaanin markii kooxda Sampdoria ay hogaanka qabatay daqiiqadii 59aadT, iyadoo Andrea Costa uu madax ku dhaliyay goolkii guusha ee ay heshay kooxda xilli ciyaareedkan ku cusub Serie A.
Milan ayaa aad isagu dayday in 30kii daqiiqo ee ciyaarta ugu danbeysay ay ku soo laabtaan ciyaarta, lakiin inkastoo Mario Yepes iyo Kevin-Prince Boateng ay birta kubado ku dhufteen, kooxda Massimilaino Allegri ayaa guuldarro ay u qalmeen helay madaama ay soo badhigeen qaab ciyaareed aan soo jiidasho laheyn.
Kuraasta faaruqa ah ee San Siro ayaa ka marqaati kaceysay sida ay taageerayaasha Rossoneri dareemayaan ka dib makii kooxda ay iska iibisay labadii ciyaaryahan ee ugu fiicnaa Zlatan Ibrahimovic iyo Thiago Silva.
Milan ayaa ku guuldareysaty inay shabaqa soo taabato kulanka ugu horeeya ee garoonkooda ee Serie A markii labaad muddo 23 sanno ah, markii koowaad waxa ay aheyd kulan ay la ciyaareen Inter 2009kii.