
Magaca ciyaaryahanka ayaa banaanka u soo baxay markii labada kooxood ay ka wada hadlayeen ku laabasha Anfield ee ciyaaryahanka khadka dhexe Alberto Aquilani kaasoo muddo sanno ah la soo joogay Milan.
Wiilka uu dhalay madaxweynaha Milan Pier Silvio ayaa la fahamsan yahay inuu taageere u yahay ciyaaryahankii hore ee Newcaste ka dib qaab ciyaareedkiisii Euro 2012.
Waxaa la soo wariyay isagoo dhahaya, sida The Sun ay qortay: “Waa waayo cusub oo Milan u bilaabanaya”
“Waxaan sii wadi doonaa inaan helno ciyaaryahano da’ yar halka aan sii dhowri doono dhaqanka kooxda”.
“Milan waxa ay weli heysataa xiddigaheeda lakiin waxaan jeclaan lahaa inuu Milan joogo Carroll. Waan la dhacay xoogiisa iyo kubadii madaxa aheyd ee uu ka dhaliyay Sweden”.
Sida wararka Talyaaniga ka soo baxaya ay sheegayaan, Berlusconi ayaa texgelinaya inuu qaato talada wiilkiisa, iyadoo Carrolll laga yaabo inuusan aheyd mid ku jira qorshaha buuxda ee tababare Brendan Rodgers.
Lakiin Milan ayaan qorshaha aysan ugu jirin inay iibsadaan madaama Liverpool ciyaaryahanka uu ugu fadhiyo 35 milyan ginni, waxaana ay ka xiiseynayaan inay amaah ku qaataan.