
Ibrahimovic uu ka tagay, sida uu sheegay wakiilka ciyaaryahanka.
Ibrahimovic ayaa ku biiray kooxda PSG waxaana la rumeysan yahay in Milan ay raadineyso
bedelkiisa,
Dzeko ayaa keyd u fadhiyay Sergio Aguero, Carlos Tevez iyo Mario Balotelli dhamaadkii
xilli ciyaareedkii hore, waxaana Roberto Mancini lala xiriirinayaa inuu soo iibsanayo ciyaaryahano cusub.
Kooxda heysata horyaalka Premier League ayaa qiimeyneysa xaalada kabtanka Arsenal Robin
van Persie, taasoo ka dhigeysa in Dzeko uu u soo muuqanayo inuu ka sii baxayo albaabka Etihad Stadium.
Wakiilka 26 jirkaan reer Bosnia Saed Susic ayaa sheegtay in kooxda Milan ay xiiseyneyso ciyaaryahanka uu wakiilka u yahay.
“Edin waxa uu jeclaan lahaa inuu ka ciyaaro Serie A oo uu la ciyaaro Rossoneri” ayuu Susic u sheegay spaziomilan.it.
“Inuu u dhaqaaqo AC Milan waa wax aad macquul u ah”.
“Waxaa jira wadaxajood waana sii soconayaan. Aan aragno waxa dhaca maalmaha soo socda”
“Ka dib bixitaanka Ibrahimovic, Dzeko ayaa ah bedelka macquulk ah, lakiin waxaan
sugeynaa inaan aragno waxa dhaca”.