
Madaxweynaha Milan Silvio Berlusconi ayaa doonaya inuu isbedel weyn ku sameeyo gabi ahaanba kooxda Rossoneri, waxaana uu aaminsan yahay in Guardiola uu yahay ninka ugu fiican ee bedeli kara tababaraha haatan Massimilliano Allegri.
Kooxda reer Italy ayaa ka fiirsaneysa inay u dhaqaaqdo tababaraha reer Spain isbuucyada soo socda, sababtoo ah waxa ay ka warqabaan in Guardiola ay wada ceyrsanayaan kooxo badan.
Guardiola ayaa lagu tirinayay inuu noqon doono ninka Old Trafford ka bedeli doona Sir Alex Ferguson, waxaana la aaminsan yahay inuu isaga laftiisa daneynayo inuu ka shaqeeyo England.
Milkiilaha Chelsea Roman Abramovich ayaa isku dayay kuna guuldareystay inuu Guardiola xagaagii soo xerogeliyo ka hor inta uusan Roberto Di Matteo u dhiibin shaqada si joogta ah.
Guardiola ayaa doonayay inuu sannad ka nasto kubada cagta ka dib markii uu ka tagay Barcelona, Milan ayaase dooneynin inay koox kale uga hormarto.