
Labada ciyaaryahan ee khadka dhexe, Traorè waxa uu ka imaanayaa kooxda Faransiiska ee Nancy, halka Montolivo uu Rossoneri kaga soo biirayo Fiorentina.
Ciyaaryahanka reer Mali oo 27 jir ah ayaa qalinka ku duugay heshiis gaaraya ilaa June 2015ka, halka ciyaaryahanka Talyaaniga Montolivo uu mustaqbalkiisa u hibeeyay Diavolo ilaa 2016.
Traorè ayaa mar sii horeysay bishaan sheegay inuu ku sii jeedo San Siro, halka ciyaaryahankii hore ee Atlanta Montolivo uu tijaabada caafimaadka ku maray magaalada fashion-ka Italy maalintii shalayto.