
Weeraryahankan ayaa la filayay in uu ku bilowdo kulanka habeenimada Sabtida ay kooxdiisu la yeelanayso Atalanta, balse waxaa la sheegay inuusan ciyaari doonin kulankaas dhaawac ka soo gaaray lugta midig awgeed.
Sida ay sheegayaan warar ku dhow dhow Rossoneri kooxda ayaa ku qanacsan in waqti wanaagsan ay go’aansatay inay ka joojiso tababarka uu qaadanayay si aysan xaalada u sii xumaan.
Si kasta ha ahaatee, go’aanka ugu dambeeya ayaa laga gaari doonaa marka lagu sameeyo baaritaan Jimcaha waxaana baaritaankaas lagu ogaan doonaa in uu ciyaari karo kulanka ugu horeeya ee Champion League ee ay kooxda AC Milan la ciyaari doonto naadiga Anderlecht.
Kooxda Milan ayaa waxaa hore dhaawac ugaga maqnaa ciyaaryahanada Robinho, Alexandre Pato, Riccardo Montolivo iyo Ignazio Abate.