
Rossoneri ayaa suuqa ugu jirta inay xoojiso daafaceeda ka dib markii Thigao Silva uu ku biiray Paris Saint-Germain, sidoo kalena uu kooxda ka tagay Alessandro Nesta, taasoo ka dhigeysa in saxiixa 23 jirka Yanga-Mbiwa uu yahay mid lama huraan ah.
“Waxaan u dirnay dalabkeena, dhawaan ayaana u safri doonaa Montpellier. Waa arki doonaa waxa dhaca. Waa arin ku xiran lacag” ayuu Galliani La Gazzetta dello Sport.
Yanga-Mbiwa ayaa qandaraas kula jira kooxda heysata horyaalka Faransiiska Montpellier ilaa xagaaga 2013, lakiin Milan ayaa rajeyneysa in dalabkooda 7da milyan euro inuu ku filan yahay inay aqbasho kooxda Ligue 1 ka dhisan.
Waxaa la fahamsan yahay in kooxda Serie A ka dhisan ay heshiis shaqsi ah oo shan sanno ah oo uu ku qaadanayo xilli ciyaareedkii 1.5 milyan euro ay la gaartay Yanga-Mbiwa.