
Rooney ayaa casaan qaatay kulankii Three Lions ay la ciyaarayeen isreebreebka Euro xulka Macedonia ka dib markii uu laaday Miodrag Dzudovic, waxaana taasi ay sababtay in lagu ganaaxo labo kulan. “Hadii uusan Rooney ciyaari karin, waa qalad uu isaga geystay” ayuu daafaca Valencia u sheegay Goal.com.
“Isag ayaa doontay ganaaxaas kulamadii isreebreebka, wax dhibaato ahna uguma sugna France. Shaqadeena ayaa inoo cad”.
Xiddigii hore ee Lille ayaa sidoo kale sheegay in xulka Laurent Blanc inaysan dhayalsan doonin England inkastoo ciyaartoy dhowr ah ay dhaawac kaga maqan yihiin.