
Rossoneri ayaa waxaa 5-1 ku dubatay kooxda Jose Mourinho, ciyaar aheyd hal dhinac kaliya. Allegri ayaa soo jeediyay ciyaarta ka dib in kala duwanaanshaha labada kooxood uu ahaa sida ay diirada u saareen ciyaarta, lakiin Galliani ayaa qaba feker kale.
“Marka aad la ciyaareyso Real Madrid ma ahan inaad ku fekerto kaliya waaa ciyaar saaxiibtinimo” ayuu yiri Galliani sida ay daabacday Gazzetta dello Sport.
“Waxaan joognaa New York, waxaa horteena jooga 60 kun oo ruux, garoonka waa uu buuxaa, indhaha oo dhan isaga ayay ku jeedaan, malaayiin ayaa TV ka daawaneysa. Milan ma ahan koox Serie D ah”.
Galliani ayaa ka careysan go’aankii Allegri uu ku bedelay sagaal ciyaaryahan qeybtii labaad, inkastoo dhigiisa Mourinho uu bedelay 11ka oo dhan qeybtii labaad.
“Mourinho ayaa sameeyay bedel badan, lakiin ma aragtay Real? Kaka, Higuain, Arbeloa. Bedel badan ma aysan sameynin marka loo firiyo ciyaartoydii soo gashay”.
“Waxa ay aheyd qalad weyn, mana u dulqaadan doono natiijooyin sidaan oo kale ah. Waan careysanahay”.
Milan ayaa ku balansan ciyaar kale oo ka horeysa xilli ciyaareedka. 19ka bishaan ayay ciyaari doonaan koobka seddex geesoodka Trofeo Luigi Berlusconi ka hor inta aysan horyaalka Serie A garoonkooda kula bilaaban Sampdoria 26ka August.