
Waxaa jiray warar xan ah oo ay qorayaan saxaafada Talyaaniga oo sheegaya in Rossoneri ay dooneyso inay ku qanciso taageerayaasheeda aan faraxsaneyn, dib u soo celinta Kaka.
30 jirka reer Brazil ayaa markii hore lagu soo daray kooxda Real Madrid ee kulan saaxiibtinimo ciyaareysa, lakiin sababo aan la aqoon ayaa hadana looga saaray, taasoo sii shideysa wararka ku saabsan in Jose Mourinho uu ciyaaryahanka u sheegay in koox kale uu raadsado.
Sida laga soo xigtay Sportitalia, Galliani ayaa lagu arkay isagoo la casheynaya Gaetano Paolillo oo ku sugan Milan kaasoo wakiil u ah ciyaaryahanada Kaka iyo Ganso.
“Jaceylka qaarkiis ma dhinto, safar dheer ayuu soo gala ka dibna waa uu soo laabtaa” ayay aheyd jawaabtii uu bixiyay Galliani markii wax laga weydiiyay wararka ku saabsan Kaka.
Rossoneri ayaa ka shaqeyneysa sidii ay u qancin lahaayeen taageerayaashooda kuwasoo ka carooday iibintii ay kooxda iska iibisay Zlatan Ibrahimovic iyo Thaigo Silva kuwasoo ku biiray PSG.
Kaka ayaa lacag rikoor ah kaga tagay San Sano June 2009kii isagoo ku biiray Real Madrid, lakiin waxaa uu ka socon waayay dhaawacyo xiriir ah.