
Isagoo u duulay Paris, Galliani waxa uu ka digay in qorshaha heshiiska uu noqon karo mid dheer oo aan si dhaqso ah lagu soo gabagabeyn Karin.
Lakiin warar France ka soo baxaya ayaa sheegaya in heshiiska oo qiimahiisa lagu sheegay 50 milyan Euro laga yaabo in la soo gabagabeeyo isbuucaan.
Si kastaba, Galliani ayaa yiri sida lagu qoray website-ka Sky Sports: “Waxa ay noqon doontaa wadahadalo dheer oo aan la galno PSG”. Xiddiga reer Brazil ayaa lagu soo waramayaa inuu ku sugan yahay Paris, isagoo sugaya ogolaanshaha Milan oo uu tijaabada caafimaadka ugu mari karo PSG ka hor inta uusan soo gabagabeyn mid ka mid kala saxiixashadii ugu weyneyd ee taariikhda kubada cagta.
Hal qof oo ka soo horjeeda in la iibiyo Thiago Silva waa weeraryahanka Milan Antonio Cassano.
“Thiago Silva la’aantiis waxa ay noqon doontaa inay nagu adkaato inaan u tartano Champions League iyo Scudetto” ayuu yiri.
“Waa daafaca ugu adag adduunka, in la iibiyo Thiago Silva waa danbi, ma iibin kartid daafaca adduunka ugu fiican”.
“Hadii aan iska dhiibno waxaan iska dhiibnay kala bar qiimihii ay kooxda laheyd”.