
Iyagoo iska diiday inay dhawaan 46 milyan euro uga iibiyaan Thiago Silva kooxda PSG, waxaa la soo warinayay in Rossoneri ay heyso lacag yari islamarkaana ay u baahan tahay inay suuqa geeyaan 30 jirkooda weerarka ka ciyaara.
Wakiilka Ibrahimovic ayaa sheegay inuusan balanqaadi Karin in ciyaaryahanka uu Milan la sii joogayo xilli ciyaareedka soo socda, lakiin Galliani ayaan waqti ku dhuminin inuu wax kama jiraan ka soo qaado arintaas, isagoo intaas raaciyay in weeraryahanka uusan meelna uga socon Milan.
“Wax dhibaato ah inagalama dhaxeeyaan Ibrahimovic” ayuu Galliani u sheegay Sky Sport24.
“Waxa uu boqolkiiba 100 ku nagaan doonaa Milan” ayuu hadalkiisa raaciyay.
Galliani ayaa sidoo kale sheegay in Thaigo Silva uu yahay lama taabtaan haatan, madaama uu qandarkiisa ku kordhiyay sannad kale isagoo Milan la sii joogi doonaa ilaa 2017.