
Halyeeyga Rossoneri ayaa ka digay qatarta ka horimaan karta ciyaaryahanka.
“Ma aqaano cida aan barbardhigi karo El Shaarawy. Sidoo kale waxaan aaminsanahay in isbarbardhiga uu dhaawac leeyahay, sababtoo ah geesi kasta waa goonidiis” ayuu Shevchenko u sheegay La Gazzetta dello Sport.
“Laakiin Stephan waxa uu heystaa wax i soo xusuusinaya shaqasiyadeyda, tusaale ahaan marka uu kubada wato.”
Ciyaaryahan kale oo hore ugu soo ciyaaray AC Milan Dejan Savicevic, ayaa isna ku raacay Shevchenko.
“El Shaarawy waxa uu leeyahay tayada uu ku noqon karo ciyaaryahan weyn. Waa nin orad badan, shuutkiisa waa uu fiican yahay, si sahlan ayuuna wax ku weeraraa. Si kastaba, shaqadiisa waa inuu goolal dhaliyaa, hadii uusan dhalinin dadka waa ay dhaleeceyn doonaan.”