
Argentina ayaa koobkaas ku guuleysatay ka dib markii ay finalkii 2-1 ku garaaceen Nigeria.
“Waxaan ka hadleynay kabaha lagu ciyaaro, ka dib Messi ayaa wax yiri” ayuu Aguero u sheegay DirectTV Sports.
“Waxa uu yiri magaceyga waa Lionel, waxaana weydiiyay, maxaa laguugu daraa?
“Waxa uu yiri ‘Messi’, hadana wuu ku celiyay ‘Messi’. Weli xitaa ma aqoonin cida uu yahay. Ka dib waxaan aqriyay inuu jiro Messi xulka ka sii dhex muuqanaya.”
Aguero ayaa markaasi ka dib qirtay in sheekadaas ay noqotay haatan mid ka mid ah kaftanada dhexmara labada ciyaaryahan ee ay ku maadeystaan.
“Messi waxa uu la ilmeeyay qosol, welina qosol ayuu dhulka la dhacaa marka uu soo xusuusto” ayuu yiri 24 jirkaan, kaasoo ay qol wada seexanayeen koobkaas oo uu Messi ka noqday ciyaaryahankii ugu fiicnaa.
“Markaas waxaan jiray 17. Wax caadi ah ayayna inaga aheyd labadeenaba” ayuu hadalkiisa raaciyay.