
Ciyaaryahanka khadka dhexe Samir Nasri ayaa seegi doona kulankaan ay la ciyaarayaan kooxdiisa hore, ka dib dhaawac soo gaaray kulankii Real Madrid.
Ciyaaryahanka reer Argentine Aguero ayaan ciyaarin tan iyo dhaawac jilibka ka soo gaaray kulankii ugu horeeyay ee Premier League xilli ciyaareedkan ee ay la lahaayeen Southampton, lakiin waxa uu ahaa bedel aan la isticmaalin kulankii Bernabeu ee Chamopions League.
“Sergio waa taam” ayuu Mancini ku sheegay shirkiisa jaraa’id ee maanta.
“Waxaan doonayay inaan ciyaarsiiyo kulankii Bernabeu lakiin dhaawacyo ayaa na soo wajahay”.
Mancini ayaa sidoo kale beeniyay wararkii shalayto sheegayay inay isku dhaceen Mario Balotelli, inkastoo ciyaaryahanka uu ka maqnaa kulankii Real Madrid.
“Ma jirin wax muran ah ama isku dhac ah. Waxba kama jiraan waxaas.” ayuu yiri Mancini.
“Mario sababta kaliya ee uu taribuunka u fariistay kulankaas waxa ay aheyd Carlos Tevez oo weerar ku bilowday, sidaasi darteed seddex weeraryahan kursiga keydka nooma fariisan karin”.