Kooxda ayaa ku jirta kaalinta 5aad waxaana ay indhaha ku hayaan inay soo galaan boos loogu soo baxo Champions League ka hor kulanka kama danbeysta ee xilli ciyaareedkan ee ay ciyaari doonaan axada.
“Qof walba oo kooxda jooga ayaa soo hooyay abaalmarintan” ayuu yiri Pardew.
“Inaan u tartano inaan ka qeybgalno Champions League ayaa ah wax ka badan wixii aan maanka ku heynay”
Pardew ayaa Newcastle qabtay bishii December 2010, waxaana la soo wareegistii uu la soo wareegay Demba Ba iyo Papiss Cisse ay ka caawisay kooxda inuu soo maro xilli ciyaareed xusuus u leh.
Newcastle kuma dhameysan doonto xilli ciyaareedkan meel ka hooseysa kaalinta 5aad, taasoo la micno ah inay ku dhameysan doonaan iyagoo ka sareeya Chelsea iyo Liverpool. Waxa ay tartan adag oo boosaska Champions League kula jiraan Arsenal iyo Tottenham marka ay axada booqdaan Everton.
Dhinaca ciyaaryahan Vincent Kompany ayaa ku guuleystay abaalmarinta ciyaaryahankii ugu fiicnaa xilli ciyaareedkan Premier League, ka dib markii uu ku guuldareystay inuu ka soo muuqdo abaalmarintii PFA ee bishii hore oo uu ku guuleystay Robin van Persie.
Si kastaba, qaab ciyaareedkii joogtada ahaa ee uu ku xukumayay wadanaha daafaca Manchester City ayaa keentay inuu ku guuleysto abaalmarintan ay bixiso Barclays Premier League mar kasta oo uu dhamaanayo xilli ciyaareedkan.
Kompany ayaa dhawaan dhaliyay goolka kaliya ee Manchester Derby, taasoo hal gacan u gelisay kooxdiisa horyaalka, waxaana ay haatan wadada u saaran yihiin inay hantaan horyaalkoodii ugu horeeyay ee muddo 44 sanno ah hadii ay ka badiyaan QPR.