
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Talyaaniga ayaa labadii sanno ee ugu danbeysay ee mustaqbalkiisa Reds waxa uu ku qaatay amaah uu markii hore ku joogay Juventus markii danbana AC Milan.
Aquilani ayaa qirtay bilowgii isbuucaan inuu jeclaan lahaa inuu ku laabto Roma, waxaana maalmihii u danbeysay lala xiriirinayay kooxda Fiorentina, lakiin wakiilka ciyaaryahan Franco Zavaglia ayaa sheegtay in 28 jirkaan uu joogi doono Anfield. “Aquilani waa ciyaaryahan Liverpool ah” ayuu wakiilka u sheegay Radio Sportiva. “Halkaas waa uu ku fiican yahay waxaana uu ku negaan doonaa England. Kuma laabaneyno sidii sannadkii hore. Waxba kama jiraan wararkaan ku saabsan Fiorentina”.
“Ma jiro dalab ka yimid agaasimaha Fiorentina Daniele Prade, sababtoo ah lacagta heshiiska ayaaba u ogolaaneynin in Fiorentina ay la saxiixato”.
“Waxaa qandaraaskiisa Liverpool uga hartay labo sanno sidaasi darted waxaa jirta hal wado oo macquul ah oo ah in si joogta ah loo iibiyo wax kale ma jiraan”.
“Xilligan la joogo ma jiraan wax war ah oo arintaas ku saabsan, inkastoo wax walba ay isbedeli karaan. Lakiin xilligan la joogo waxa ay u muuqataa wax adag inuu ku laabanayo Italy”.
28 jirkaan Aquilani oo 21 kulan u saftay Azzurri ayaa Liverpool kaga soo biiray Roma lacag lagu sheegay 20 milyan euro.