
Del Piero, oo soo gabagabeeyay 19kii sanno ee uu la joogay Juventus ayaa suuqa xorta ah saarnaa, waxaana uu haatan heshiis labo sanno ah u saxiixay kooxda Sydney.
Waxa uu sannadkii qaadan doonaa mushahar gaaraya 2 milyan oo euro, waana heshiiskii ugu weynaa ee taariikhda kubada cagta Australia.
Liverpool oo suuqa ugu jirtay inay hesho weeraryahan ayaa suuqa uu ku xirmay iyadoo aan waxba la soo wareegin, waxaana ay isku dayayeen inay si xor ah kula soo wareegaan Del Piero, lakiin ciyaaryahanka Talyaaniga ah ayaa iska diiday inuu u dhaqaaqo Anfield.
Galabnimada maanta ah ayuu shir jaraa’id ku sharxi doonaa go’aankiisa, waxaana uu bilaabi doonaa waayo cusub oo uu ku qaato Australia.