
No 10 ayaa ka tegi doona The Old Lady xagaaga ka dib 19 sano oo uu xirnaa maaliyada Cadaanka iyo Madowga ka kooban marka uu dhaco qandaraaskiisu bisha June.
Del Piero ayaa qiray inuu jeclaan lahaaa inuu xirfadiisa ka sii wato Turin Balse kooxda ayaa diiday inay heshiis dheeraad ah la gasho.
37 jirkaani ayaa dhaliyey seddex gool 23 kulan oo uu ka soo muuqday xilli ciyaareedkan, isagoo laba ka mid ah goolashiisa dhaliyey afar kulan oo uu ka ciyaaray Coppa Italia.
Halyeygii Italy ayaa kooxdiisa sanadkaan la qaaday Scudetto,laakiin wuxuu awoodi waayey inuu Juve ka caawiyo ku guuleysiga Coppa Italia axadii, markaaso Juve ay guuldaro kasoo gaartay Napoli.
Del Piero ayaa lala xiriirinayaa inuu u baqooli doono midkood Horyaalada England ama America.