36 jirkaan ayaa qandaraaskiisa uu dhacayaa xagaaga, inkastoo loo soo bandhigay in heshiiska loo kordhiyo hadana waxa uu go’aansatay inuu ka tago Rossoneri oo meelo kale u hayaamo.
“Xilli ciyaareedkan waxa uu ahaa kii ugu danbeeyay ee aan u ciyaaro Milan” ayuu ku sheegay shir jaraa’id uu goordhow qabtay.
“Waan baxayaa. Waxaan ciyaareynaa ciyaar aad u sareysa, lakiin hadii aan isku arkin inaan muhim ahay waxaa ii dhaanta inaan gurigeyga joogo”
“Waxaan go’aankaan gaaray markii aan xilli fiican ku jiray. Wax badan ayaa ku soo guuleystay lakiin anigoo ilaalinaya sharafta kooxda iyo mideyda waxaan jeclaan lahaa inaan fiiriyo meelo kale oo aan awoodo inaan sameeyo waxyaabo fiican”
“Waxaan go’aankaan gaaray bishii Febraayo. Kooxda waxa ay ii soo bandhigtay heshiis hal sanno ah, lakiin waxaan go’aansaday inaanan qaadan”
Wararka soo baxaya ayaa soo jeedinaya in daafacan ku guuleystay koobka adduunka 2006 inuu ku wajahan yahay kooxda Mareykanka ee New York Red Bulls.
“Ma aqaan halka aan ka ciyaari doono xilli ciyaareedka soo socda, sababtoo ah waxba ma aanan saxiixin” ayuu yiri ciyaaryahankii hore ee Lazio.
“Waxaan ka ciyaari doonaa meel qaab ciyaareedka uu ka yahay mid aan sidaasi u sareynin. Inaan ka ciyaaro Mareykanka ma ahan wax xun, waxa ay ii noqon doontaa qibrad cusub”
Daafacan ayaa koobab badan la soo qaaday kooxda ku ciyaarta San Siro, waxaana uu xusuus badan ku leeyahay kooxda 10kii sanno ee uu u ciyaarayay.
“Carlo Ancelotti ayaa ahaa tababarihii iigu muhimsanaa intii aan kubada ciyaarayay” ayuu yiir.
“Waxa uu ahaa tababare aad u fiican. Inaan ku guuleysto Champions League markeygii iigu horeysay ayaa ah xusuusteyda iigu fiican”
“Waxaan u xiiso doonaa dhamaan dadka joogay Milanello ee aan arkayay maalin kasta 10kii sanno ee u danbeysay. Waxaan sidoo kale ka tagi doonaa saaxiibo taariikhi ah sida Massimo Ambrosini, Clarence Seedorf, Andrea Pirlo, Christian Abbiati, Paolo Maldini – iyo dad aan si fiican isku fahamnay”
Nesta ayaa ka mid ahaa 10 ciyaaryahan oo qandaraaskooda uu dhacayo dhamaadka xilli ciyaareedkan, waxaana uu soo jeediyay inuusan isaga kaliya aheyn ciyaaryahan magac leh oo ka tagi doona kooxda ka hor xilli ciyaareedka cusub.
“Anigoo niyad xun ayaan ka tagayaa Milan sababtoo ah waxaan dooneynay inaan ku guuleysano horyaalka”
hadalkaas waxaa yiray nesta