
ciyaarin tan iyo markii cudur ka haleelay caloosha bishii Novermber ee kal
hore.
Alex Ferguson ayaa sheegay inuusan hubin in uu mar dambe uu ciyaari doono
Fletcher ciyaaraha kubbada cagta.
Alex oo ka hadlaya mustaqbalka Fletcher ayaa yiri : “Waan sugeynaa sida uu xaalkiisu
noqdo waxana uu wiilku yahay mid horumar samaynaya.
“Ma noqon doonto mid sahlan balse waxaan siin doonaa fursad kasta oo suurtogal ah
waxana aan arki doonaa sida uu u soo kabto.”
Fletcher ayaa la siiyey mas’uuliyad dhinaca tababarida ah dhamaadkii xilli ciyaareedkii
la soo dhaafay si uu ugu sii dhex jiro ciyaaraha.
Fergie ayaa sii raaciyey: “Darren waa wiil cajiib ah. Waxaan rajaynaynaa inuu sid
degdeg ah dib ugu soo laabto.”