
Ninka reer Argentina ayaa hadalo badan oo amaan ah dul dhigay xiddigaha Madrid iyo Barcelona, lakiin waxa uu weli dareensan yahay in ciyaaryahankii hore ee reer Brazil inuu ka fog yahay.
“Ciyaaryahankii ugu fiicnaa abid waa Pele. Messi iyo Cristiano Ronaldo labadooda waa ciyaaryahano waa weyn oo tayo gaar ah leh, lakiin Pele ayaa ka fiicnaa” ayuu Di Stefano yiri sida laga soo xigtay El Colombiano.
“Messi ayaa farsamo ahaan ka fiican labada kale. Waxa uu uga fiican yahay diilinta ganaaxa dhexdiisa iyo qaabka uu kubada u qabeeyo una dhaqaajiyo. Waad arki kartaa sida uu ugu riyaaqayo ciyaarista kubada.
“Cristiano ayaa jir ahaan ka xoog badan. Waa uu ka orod badan yahay, waana ciyaaryahan xamaasad leh. Waxaa intaas sii dheer labada lug ayuu wax ku dhalin karaa.”
86 jirkaan ayaa in ka badan 300 kulan u saftay intii u dhaxeysay 1953dii ilaa 1964kii, isagoo ku guuleystay shan koob oo Europe.