
Xiddiga reer Belarus, oo ciyaaray 90ka daqiiqo ee guushii dhawaan ay ka gaartay kooxda Bayern Munich wareega group-yada Champions League ayaa afar sanno ku qaatay Blaugrana intii u dhaxeysay 2008-2012.
“Waxaan wax ka bartay in badan Wenger marka loo fiiriyo Guardiola, laakiin Pep waa tababare fiican” ayuu 31 jirkaan u sheegay Esports en Xarxa.
“Guardiola ma ahan tababaraha ugu fiican adduunka sababtoo ah waxa uu tababare u ahaa kooxda adduunka ugu fiican, ciyaartoyda ugu fiican, waana sababta uu u guuleystay.
“Wax dhib badan ma ahan inaan guulo la gaarto koox sidaas oo kale ah, Vilanova isna guulo waa weyn ayuu la gaari doonaa kooxda.
“Tababarayaasha ugu fiican adduunka waa Jose Mourinho, Sir Alex Ferguson, iyo Arsene Wenger.”