Madaxweyne Silvio Berlusconi, madaxweyne ku xigeen Adriano Galliani iyo tababare Massimiliano Allegri ayaa xalay kawada casheeyay guriga milkiilaha AC Milan.
Waxaa saxaafada Talyaaniga ay qoreysaa in madaxda Milan ay kalsooni u muujiyeen Allegri, kaasoo marsii horeysay uu Berlusconi ku eedeeyay inuu horyaalka ka bixiyay gacmaha Milan.
Sida ay sheegtay La Gazzetta dello Sport, tababaraha ayaa codsaday in tayo lagu soo darro qadka dhexe ee kooxda, islamarkaana ay kooxda sameyso dalab aad u adag oo ah inay Inter kala soo wareegaan Sneijder.
Ciyaaryahan ka jaban Sniejder islamarkaana Talyaani ah waa ciyaaryahanka kubadsameeyaha kooxda Catania Francesco Lodi, kaasoo qandaraaskiisa uu dhacayo 2015ka.
Sidoo kale waxaa jirtay soo jeedin ku aadan ciyaaryahanka Manchester City Mario Balotelli, kaasoo ku dhibtooday nolasha Ingariiska islamarkaana si cad u sheegay inuu taageero u yahay Milan.