
Laacibkii hore ee Liverpool oo u soo joogay guul uu ka gaaray koobka adduunka, horyaalka Yurub, La Ligaha iyo Champion League ayaa labo sano waxaa ugaga dhiman heshiiska uu kula joogo Bernabeu.
30jirkan oo qiimaha uu ka leeyahay Madrid uu hoos u sii dhacayo waayo iyadoo kooxda ay ka buuxaan xiddigo qadka dhexe ku wanaagsan, ayaa waxaaba suurtogal ah in ay kooxdu lacag caddaan ah siisato Alonso maadaama uu yahay mid kamid ah hantida qiimaha leh ee kooxda sida ay daabacday Sport.
Liverpool ayaa xiise u qabta in ay dib ugu soo celiso kubbad qaabiyihii hore ee kooxda Real Sociedad, halka ay kooxaha Manchester United,Manchester City,Chelsea iyo Arsenal laga yaabo in ay ka qeybgalaan u tartankiisa.