
Kubadsameeyaha ayaa ka tagay Rossoneri xagaagii hore waxaana uu ku biiray Juventus oo uu ku hogaamiyay xilli ciyaareedkan horyaalka Serie A.
“Milan waxa ay ii soo bandhigtay heshiis hal sanno ah lakiin waxaan rabay heshiis seddex sanno ah sababtoo ah waan ka da’ yaraa ciyaartoyda kale ee qandaraaskooda uu dhacayay” ayuu Pirlo u sheegay Gazzetta dello Sport.
“Lakiin sababta rasmiga ah ee ka danbeysa ee aan uga tagay Milan waxa ay aheyd Allegri oo doonayay inuu u isticmaalo Massimo Ambrosini ama Mark Van Bommel ciyaaryahanka ka horeeya daafacyada halkii uu aniga booskaas i geyn lahaa”
“Taas waxa ay la micno noqotay inay booska garoonka aan bedesho. Sidaasi darteed waxaan ku iri ‘ Ma sameyn karo, waad mahadsan tahay’ waxaana ku doortay Juventus”
“Milan waxa ay go’aansatay inaanan inbadan u aheyn mid wax fiican u qaban kara. Waxaan si dhaqso ah u fahmay kulankeenii ugu horeeyay”
Dadka qaar ayaa la yaabay go’aankii uu Pirlo kaga tagay Milan iyadoo qaaday horyaalka Talyaaniga islamarkaana ku biiray koox labadii xilli ciyaareed ee u danbeysay ku dhameysatay kaalinta 7aad.
“Markii aan joogay arooskii Gigi Buffon ee bishii June sannadkii hore, dadka waxa ay i weydiinayeen hadii aan waalahanay sababtoo ah Milan ayaan ka tagay”
“Waxaan markaas ugu jawaabay, in sababta aan koox u bedeshay inay tahay inaan doonayo inaan guuleysto. Waxaana markaas u sheegay in Juventus ay horyaalka Talyaaniga ku guuleysan doonto”
“Haatana isla dadkaas ayaa ii mahadcelinaya sababtoo ah lacagtooda sharadka anaga ayay na dhigteen inaan horyaalka qaadi doono”
Inkastoo Juventus ay ku riyaaqday caawinaada Pirlo, Milan waxa ay ku rafaaday inay buuxiso booskiisii waayo aragnimada ahaa.
“In badan oo asxaabteydii hore ah waxa ay ii sheegeen inay i tabeen intii uu xilli ciyaareedka socday, lakiin waan faraxsanahay madaama aan horyaalka ku guuleystay”
“Inta badan asxaabteydii Milan waxa ay ii soo direen fariimo ay iigu hambalyeeynayaan guushii horyaalka”
Kubadsameeyahan ayaa sidoo kale wareysigiisa waxa uu kaga hadlay oo uu ku amaanay tababare Antonio Conte oo ah maskaxdii ka danbeysay in Juventus ay mar kale noqoto hogaanka horyaalka Serie A.
“Conte waa tababare weyn. Tababarayaal badan ayaa i soo maray intaan kubada ciyaarayay, lakiin ma aanan arkin qof u diyaarsan sida Conte, u jecel shaqadiisa islamarkaana sidiisa oo kale wax u sharxi kara”
“Waxaan daawanaa muuqaalo kooxda aan la ciyaareyno seddex ama afar jeer isbuucii, waa ku adag tahay markaas kooxda inaga soo horjeeda inay soo bandhigaan qaab ciyareed aanan ka warqabin”
“Dhanka taatikada iyo sida uu wax inoo baro, waxa uu ka fiican yahay Carlo Ancelotti iyo Marcelo