
Pirlo ayaa ka soo kabsanaayey dhawac yar oo kasoo gaaray canqawga horaantii isbuuca, welina si buuxda uguma uusan soo bogsan, waxaana la ogaansaday inaan riski lagu gelin in dhaawac uu ka sii xumaado sidii hore.
Balse Prandelli ayaa dhegta kale ku maqla war farxad leh iyadoo loo sheegay in difaaca garabka midig ee kooxda Napoli Christian Maggio uu diyaar u yahay furitaanka Azzuri ay la ciyaarayaan xulka difacanaaya Euro 2012, kadib markii uu kasoo bogsoday dhibaatooyin dhaawac uu ka qabay bowdadiisa
Difaaca Juventus Andrea Barzagli ayaana isku diyaarinaya inuu maro tijaabo ka dib dhaawac uu qabay taasoo lagu kala ogaan doono inuu qeyb ka noqon karo ciyaartoyda Italy ee ka qeyb geleysa tartanka Koobka qaramada Yurub.