
Iniesta ayaa dhibaato muruqa ah ay ka so gaartay lugtiisa midig, waxaana dhaqaatiirta Camp Nou ay xaqiijiyeen inuu garoomada ka maqnaan doono mudo u dhaxeysa 10 ilaa 15 maalmood.
Kubadsameeyahan ayaa maqnaan doona kulamada La Liga ee ay Barcelona ciyaari doono Getafe iyo Granada, iyo sidoo kale kulanka ugu horeeyay ee Barcelona ay ciyaareyso Champions League arbacada soo socota ee Spartak Moscow.
Jordi Alba ayaa shaki uu isna uu ku jiraa inuu ciyaari karo kulanka Getafe lakiin waxaa laga yabaa inuu ciyaaro kulanka Madrid ka dhacaya madaama aan weli laga saarin.
Dhinaca kale Carlos Puyol ayaa soo dhigay twitter-kiisa maaskaro cusub oo uu ku ilaalinayo dhaawacii daanka ka soo gaaray oo uu weli ka soo kabsanayo.