
Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa saxaafada u sheegaya kooxaha ay Blaugrana tartan adag kala wajihi doonto, isagoo carabaabay seddex kooxood.
“Waa tartan adag, lamana saadaalin karo, hal kulan oo aad si xun u ciyaarto ayaad ku hareysaa” ayuu yiri.
“Chelsea, oo difaacaneysa, Bayern Munich iyo Real Madrid ayaa ah kooxaha ugu xoogan Champions League, inkastoo ay jiraan kooxo kale oo badan oo iyagana boos ciriirsanaya.”
Ciyaaryahanka ayaa sidoo kale wax laga weydiiyay dareenkiisa ku aadan inuu u dabaaldego 10 sanno oo ka soo wareegatay markii ugu horeysay ee uu u ciyaaro kooxda Barcelona ee waa weyn.
“Waxaa laga joogaa 10 sanadood, sannad kastana horumar ayaan sameynayay, waxaan noqday ciyaaryahan wanaagsan. Waxaan ka ciyaarayaa heerka ugu sareeya ee la iga doonayo Barcelona iyo xulka qarankaba.
“Marna kuma riyoon inay sidaan wax iigu hagaagayaan. Waxaan dareemayaa farxad, waxaana rajeynayaa inaan sannado kale sii ciyaaro.”