
Warar dhawaan soo baxayay ayaa sheegaya in Barca ay xiiseyneyso ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Cameroon, islamarkaana laga yaabo inay lacag badan u soo bandhigto Gunners si ay u helaan saxiixiisa.
Iniesta ayaa xiiseynayay ciyaaryahankan muddo badan, waana uu ku faraxsan yahay inuu arko in xagaagan lala xiriiriyo kooxda Catalans.
Ciyaaryahanka reer Spain ayaa sheegay Song, oo sidoo kale soo jiitay kooxo kale, inuu ku fiican yahay inuu u ciyaaro Barcelona.
“Waa ciyaaryahan da’ yar oo awood leh” ayuu yiri Iniesta.
“Ma aqaano inta sanno oo ee uu ciyaarayay, lakiin ma ahan ciyaaryahan tayadiisa la ogaaday shalay kaliya”.
“Waa ciyaaryahan wanaagsan, waxaana arkay qoraal ku aadan in laga yaabo inuu ku soo biiro kooxdeena”.
“Ma aqaano hadii sidaasi xaalka noqon doono lakiin hadii uu halkaan yimaado waxaan u soo dhaweyn doonaa sida ugu fiican ee aan awoodno”.
“Hadii uu halkaan yimaado micnaheeda waa inuu leeyahay awooda uu halkaan ugu ciyaari karo, taasi muran kama taagna”.