
Iniesta ayaana iska celin waayay inuu wax ka yiraahdo Mourinho ka dib markii Spain ay koobka ku guuleysatay.
“fekradahaas waxa ay ahaayeen kuwa laga faa’ideystay sababtoo ah barbarihii aan la galnay Italy” ayuu Iniesta u sheegay Barca TV.
“Fekradaha ceynkaas oo kale ah waa waqti dhumis” ayuu hadalkiisa raaciyay.
“Waxaan koobka ku qaadnay qaabkaas, iyo isla ciyaartoydaan, waana wax aanan ilaawi doonin”
28 jirkaan ayaa loo magacaabay ciyaaryahanka ugu fiicnaa Euro 2012, lakiin markii la weydiiyay inay suurtogal tahat inuu ku guuleysto Ballon d”or, waxa uu ku taageeray Lionel Messi inuu mar kale ku guuleysto abaalmarintaas.
“Aad ayaan ugu faraxsanahay in la ii texgeliyo ciyaaryahankii ugu fiicnaa koobka Euro” ayuu hadalkiisa raaciyay.
“Waa wax weyn sababtoo ah shaqadaadii aad garoonka ka qabatay ayaa noqotay mid la ogaaday”