
Waxa uu raacay wadadii ciyaaryahankii hore ee Rossoneri, Kakha Kaladze kaasoo xagaagan isna ciyaaraha ka fariistay isagoo ku biiray siyaasada dalkiisa Georgia.
“Malaha, qof walba ayaan ka yaabin doonaa: mustaqbalkeyga kubada cagta ma noqon doonto” ayuu Shevchenko ku sheegay warbixin la soo dhigay website-ka Dynamo Kiev.
“Mustaqbalkeyga waxa uu la xiriira siyaasada”.
Sheva ayaa Milan u soo ciyaaray intii u dhaxeysay 1999 ilaa 2006 inkastoo uu si koobay amaah ugu ciyaaray 2009kii markaasoo uu ahaa ciyaaryahan Chelsea ah.
Intii uu Rossoneri joogay waxa uu la qaaday Scudetto, Champions League, European Super Cup, Coppa Italia, Italian Super Cup, waxaana uu ku guuleystay Ballon d’Or.
Xusuustaada ugu weyn ee aad ka heyso Shevchenko maxay tahay? Qeybta fekradaha inoogu soo qor?