
Bianconeri ayaa ku guuleysatay horyaalkeedii ugu horeeyay tan iyo fadeexadii Caliocpoli, waxaana ay ku qaadeen iyadoo dhinacooda aan dhulka la dhigin islamarkaana afar dhibcood ka sareeya AC Milan.
Iyadoo Kwadwo Asamoah iyo Mauricio Isla ay labadoodaba kaga soo biireen Udinese, Di Natale ayaa qaba in kooxda ka dhisan Turin inay tahay kooxda lagula tartami doono horyaalka, lakiin waxa uu sheegay inuu kooxdiisa ku aaminqabo inay mar kale ku tartami doonto horyaalka.
“Meel hoose ayaan ka soo bilownaa mar walba, waxaan rajeynayaa in jaceylka aan u qabno inaan shaqeyno inay nagu soo laaban doonto” ayuu Di Natale u sheegay Sky Sport Italai.
“Milkiilayaasha qoyska Pozzo shaqo fiican ayay mar walba u qabtaan kooxdaan. Waa wax laga xumaado in ciyaartoytda qaar ay ka tageen kooxda lakiin kooxda waa ay taqanaa waxa ay tahay in la sameeyo. Ciyaartoy fiican ayaa nagu soo biirtay waxaana rajeyneynaa inay kooxda si fiican u la qabsadaan”.
“Juventus ayaa ugu cadcad inay horyaalka ku guuleysato. Iyaga ka dib waxaan dhihi karaa waxaa jooga Inter iyo AC Milan. Sidoo kale waxaana jeclaan lahaa inaan xuso Napoli sababtoo ah shaqo fiican ayay suuqa kala iibsiga ka qabanayaan”.
“Sidoo kale waxaan ku dari lahaa Roma, Lazio iyo anaga. Horyaalka waxa uu noqon doonaa mid adag oo la isku dhow yahay”.