
Horyaalkaan ayaa loo texgelinayaa inuu yahay kii ugu fiicnaa ee intii horyaalka Ingariiska loo bixiyay Premier League 20 sanno ka hor, Manchester City ayaa ciyaarta ugu danbeysa horyaalka xilli ciyaareedkan ku marti qaadi doonta Etihad Stadium kooxda QPR halka Sunderland ay garoonkeeda Stadium of Light ku marti qaadi doonto United.
Xisaab ahaan sida ay wax yihiin waa ay fududahay. Labada kooxood waxa ay leeyihiin 86 dhibcood lakiin City ayaa farqiga goolasha oo sideed gool ah ka fiican Man United.
Hadii City ay badiso waxa ay horyaalka ku guuleysan doonaan markii ugu horeysay tan iyo 1968dii. Waxa kaliya ee celin karaa waa hadii United ay ku badiso ugu yaraan sagaal gool ama wax ka badan marka ay Sunderland la ciyaarayaan.
Hadii City laga badiyo ama barbaro ay gasho islamarkaana United ay badiso iyada ay difaacan doonta horyaalkii ay qaadeen sannadkii hore, waxaana loo caleemo saari doonaa horyaalkoodii 20aad ee Ingariiska.
Iyadoo maalinta kala baxa ay soo dhowdahay islamarkaana ay tahay berri, hadana jawiga ka sii horeeya ayaa ah mid kacsan oo labada kooxoodba ay ku jiraan diyaargarow xoog leh.
Sida la hubo horyaalka Ingariiska xilli ciyaareedkan 2011-12 waxaa qaadi doonta Manchester lakiin ma City-baa mise United?.